Tottenham Hotspur weeraryahankeeda Harry Kane ayaa laga saaray kulanka Premier League ee Manchester United.
Intii lagu jiray todobaadkii tagay kulankii Liverpool, Kane waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah waxaana si dhaqso ah bedel ku bixiyay btababare Mauricio Pochettino.
Kane waxaa la nasasiiyay kulankii EFL ee ay la ciyaareen West Ham United, laakiin Pochettino ayaa shaaca ka qaaday inuusan awoodin inuu halis galiyo gooldhaliyaha ugu sareeya kooxda ka dib markii baaritaan lagu xaqiijiyay dhaawac muruqa ah.
45 jirkaan ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Ma ahan berri, ma qaadan karno qatarta ah, waa dhaawac yar, waa mid aad u yar, laakiin ma qaadan karno halista ah berri.
“Waan arki doonaa arbacada Real Madrid, laakiin berri ma ahan wax macquul ah.”
Kane ayaa dhaliyay 17 gool 16 kulan oo uu u saftay Spurs iyo England xilli ciyaareedkan.