Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid Diego Costa ayaa qiray in uu aad ugu baahan yahay weeraryahan Antoine Griezmann inuu diido dalabyada kooxaha kale, islamarkaana uu sii joogo kooxda.
Xiddiga heerka caalami ee dalka France ayaa diiday fursad ugu ku biiri lahaa Manchester United xagaagii lasoo dhaafay, waxaana haatan lagu soo waramayaa inuu ku jiro liiska ugu sareeya xidigaha ay doob doonayso Barcelona.
Griezmann ayaa doonaya inuu go’aan ka gaaro mustaqbkiisa ka hor inta uusan Koobka Adduunka bilaaban June, Costa ayaana rajeynaya in 27 jirkaan uu ku soo laabto kooxda hadii uu sii joogayo ugu yaraan xilli ciyaareed kale.
“Waxa uu ogyahay inuu yahay ciyaaryahan muhiim ah Atletico, wali wuu nala joogaa, waxaana rajeyneynaa inuu sii joogo,” ayuu u sheegay wariyaasha Spain. “Waan jeclaan lahaa hadii uu halkaan joogo, lakiin qof walba waa inuu raadiyaa waxa ugu fiican, aniga ahaan, waxa ugu fiican ayaa ah inuu sii joogo.
“Waxaan u maleynayaa inuu joogayo, markii aan joogay Brazil, wuxuu iigu yeeray islamarkaana ii sheegay inaan imaado Atletico, ma doonayo inaan halkaan joogo kaligey, Griezmann wuu ogyahay inaan isaga la jecelnahay Atletico, waxaan rajeynayaa inuu sii joogo anaga nooma sheegin inuu baxayo. ”
Griezmann ayaa dhawaan noqday ciyaaryahankii seddaxaad ee Atletico isagoo ka sarre maray 100 gool oo uu u dhaliyay kooxdaan qarnigan, waxa uu qaaday wadadii Sergio Aguero iyo Fernando Torres.