Isco Oo Qandaraas Cusub Qalinka Ku Duugaya

Ciyaaraha

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sheegtay in kooxda ay ku dhawaaqi doonto qandaraaska cusub ee Isco maalmaha soo socda.

Isco ayaa durbadiiba bartilmaameed u ah Manchester United iyo Tottenham Hotspur, halka haatan uu ka harsan yahay hal sano qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kubadsameeyahan ayaa haatan ka mid ah kooxda koowaad ee booska  joogtada ah ee Real, Perez ayaa shaaca ka qaaday in hishiis cusub ay horay ugu heshiiyeen.

Perez ayaa u sheegay Cadena SER: “Isco wuxuu yimid halkan isagoo aad u yar, wax walba oo uu sameeyay oo horumarayaa, wuxuu haatan u ciyaarayaa sida aan aaminsanahay si fiican.

“Waxaan ku dhawaaqi doonaa qandaraaskiisa  maalmaha soo socda, heshiiska cusbooneysiinta.”

Tan iyo  markii uu u saxiixay Real 2013, Isco ayaa dhaliyay 34 gool 187 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan.

W/Q Hafsa haji