John Terry Oo Ka Fikiraya Inuu Aston Villa Sii Joogo

Ciyaaraha

Daafaca kooxda Aston Villa John Terry ayaa lagu soo waramayaa inuu ka fiirsanayo inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda West Midlands sannad kale.

Daafacii hore ee Chelsea Terry, kaasoo heshiis hal sanno ah u saxiixay Villa, ayaa doorbidaya inuu kooxda sii joogo ilaa 12 bilood oo dheeraad ah heshiiska uu kula joogo.

Wargeyska The Telegraph ayaa intaa ku daray in Villa ay ku rajo weyn tahay inay ku soo laabato Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana  37 jirkaan la folayaa inuu kooxda lasii joogo.

Wargeyska ayaa sheegaya in Terry laga yaabo inuu sidoo kale isha ku hayo inuu ka fariisto ciyaaraha kubada cagta ama uu raadsado heshiisyo faa’iido leh meelo kale, iyadoo kooxda ay dooneyso inay cadaadis saaraan xiddigii hore ee England.

Terry, oo ka maqnaa  xilli ciyaareedkan, ayaa kooxdiisa ka caawiyey inay shan kulan oo isku xigta ku guuleystaan tan iyo markii uu ku soo laabtay.