Harry Kane Oo Loo Magacaabay Ciyaaryahanka Bisha September Ee Premier League

Ciyaaraha

Tottenham Hotspur weeraryahankeeda Harry Kane ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League bishii September.

Kane ayaa ku guuldareystay  bishii August inuu dhaliyo wax goolal ah saddexdii kulan ee ugu horeysay ee uu saftay horyaalka, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa isbedelay bishii hore.

24 jirkaan ayaa labo gool dhaliyey markii Spurs ay 3-0 ku garaacday Everton, ka hor inta aanu markii labadii laba gool kulankii ay 3-2 guusha kaga soo gaartay West Ham United Stadium.

Ciyaarta kama dambeysta ah ee ka dhacday Waqooyiga London bishii September, Kane wuxuu dhaliyay labo gool horey iyadoo Spurs ay 4-0 ku badisay Huddersfield Town.

Horaantii jimcaha, waxaa la ogaaday in tababaraha Manchester City Pep Guardiola uu qaatay tababaraha Premier League ee abaalmarinta bishaan.

W/Q Hafsa haji