Taliyihii xoogga dalka Soomaaliya General Cirfiid ayaa la shaaciyey inuu is casilay. Shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Soomaaliya maanta yeesheen ayaa laga horsheegay iscasilaadda Taliyaha.
Golaha Wasiirada XFS ayaa Gen Cabdi Jaamac Warsame Gorad u magacaabay Taliyaha Ciidanka XOogga Dalka kadib markii uu iscasilay Gen Cirfiid.
General Cirfiid ayaa dhawaan booqday deegaanka Bariire, halkaas oo uu tagay xaqiiqo raadin, waxaana dhawaan halkaas ka dhacay weerar ay Alshabaab ku qaadeen xero ciidanka xooggu ku lahaayeen. Waxaana ku dhintay Askar ka badan 30, halka 7 gaari ay kaxeysteen shabaabku, ciidanka halkaas lagu laayey ayaanan helin wax gurmad ah, waana sababta loo badinayo inuu isku casilay Taliyuhu.