Hanti dhowrka qaranka oo baaris culus ku haya xaafiiska maaliyada G.Benaadir

Wararka Maanta

Wararka laga helayo Xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Hanti Dhowrka Guud uu baaritaan ku bilaabay Xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka, kaddib markii ay soo baxday in lacag ku dhow Hal Milyan oo dollar la isticmaalay wixii ka dambeeyay 24-kii July, xilligaasoo xarunta Gobolka ka dhacday qaraxii sababay geerida Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenadii ka tirsanaa Maamulka.

Sida wararku sheegayaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa dalbaday in la baaro wixii laga isticmaalay Qasnada dowladda Hoose labadii bilood ee kala guurka ka jiray gobolka, kaddib qaraxii uu ku geeriyooday Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Wararka ayaa sheegaya inay soo baxday fadeexad ku saabsan in lacag ku dhow Hal Milyan oo dollar oo la sheegay in loo isticmaalay maamuuska iyo tacsidii loo sameynayay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir.

Arrinta aadka loo hadal haayo ayaa ah in lacag ka badan qiimaha caadiga ah lagu qoray qaansheegtooyinka howlihii tacsida iyo maamuuska, waxaana taasi keentay shaki weyn, iyadoo is barbaar yaacaas darteed uu isku casilay Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda C/raxmaan Cusmaan Ibraahim, isla markaana diiday lacagaha qaar ee uusan ogeyn halka ay ku baxday inuu saxiixo.

Xafiiska Hanti dhowrka Guud ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay baaritaan ku hayay document-yada Xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda, waxaana la sheegay in arrimahaas su’aalo laga weydiiyay Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Baaritaanka Hanti dhowrka Guud ku haayo Xafiiska ayaa sababay inay daahdo mushaarkii Shaqaalaha Gobolka, sidoo kale intii uu kala guurka iyo tacsida lagu jiray shaqaalaha Gobolka ayaa helin wax mushaar ah.