Musharax Odowaa oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharax Madaxweynaha Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug.

Musharax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey xildhibaano federaal ah, masuyliyiin kale iyo shacab farabadan.

Dhanka kale musharaxa ayaa qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Dhuusamareeb kula hadlay garoonka ciyaaraha magaalada.