Dowlada oo shuruudo adag ku xirtay siidaynta wasiir Janan

Wararka Maanta

Guddi ka socday Maamulka Jubbaland oo dhowaan Muqdisho u yimid wada hadalo ku saabsan xarigga Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa sheegay in shuruud lagu lagu xiray in la sii daayo.

Guddigan ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar oo ay wehliyeen Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo, waxaana ay Muqdisho kula kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Saraakiisha sare ee Hey’adda NISA.

Axmed Maxamuud Cumar Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in laga dalbaday shuruud u muuqatay kuwo siyaasadeed oo la doonayo in la fuliyo, si loo sii daayo C/rashiid Janan.

“Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxweynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka Amniga Jubbaland”ayuu yiri Axmed Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qodobada la hordhigay ay yihiin kuwo ku saabsan kala qeybinta bulshada deegaanada Maamulka Jubbaland, kuwaasoo ay ka mid yihiin in meesha ka baxo Maamulka Axmed Madoobe sida uu yiri.

31-dii bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay Garoonka Muqdisho ku xireen C/rashiid Janan Wasiirka Amniga Jubbaland, xilli uu Transit ku ahaa garoonka, kuna sii jeeday dalka Itoobiya.