Sawirro: Booliska Galmudug oo dib u celiyey gaari laga soo dhacay Puntland

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Booliska Galmudug ee ka howlgala magaalada galkacyo ayaa ku guuleeystay in ay gacanta kusoo dhigaan gaari land cruiser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka
Puntland Farxiyo yuusuf xirsi.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa yiri: “Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa”

Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska galmudug sida ay markasta ugu heelan yihiinn ka hortagista falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba waxaana dhanka kale wasiiradu ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada boliiska maamulada Galmudug iyo Puntland.

Screenshot_2017-05-14-13-00-57-2-1 Screenshot_2017-05-14-13-00-57-1 Screenshot_2017-05-14-13-01-12-1