HANKA LOO QABO IYO HOWSHA CULUS EE HORTAAL MUDANE FARMAAJO!!!.

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

HANKA LOO QABO IYO HOWSHA CULUS EE HORTAAL MUDANE FARMAAJO!!!.

Waxaa laga joogaa dhowr cisho markii uu mudane maxamed cabdullaahi farmaajo ku guuleysatay tartankii madaxwaynenimo, baarlamaanka Dowladda federalka soomaaliyana u doorteen inuu hogaamiyo dalka, 4-ta sano ee soo socota. xilligaas oo uu dusha saartay wax dhulka iyo cirka labaduba ka dhaarteen inay qaadaan kaas oo ah xil ”Mas’uuliyad”! Saacado ka hor ayuuna si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxwaynihii hore mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waa ay ku farxeen guusha uu ka soo hooyay taas oo dad badan ku tilmaameen guul shacab. waxayna ku soo dhoweeyeen sacab iyo caleemo qoyan, heeso iyo mashxarad, iyagoo dhigay dabaal degyo waawayn oo ka dhacay guud ahaan dalka, gaar ahaan caasimadda soomaaliya ee muqdisho iyo meela kale oo ka mid ah caalamka. Shacabka soomaaliyeed waxay rajo wayn ka qabaan in isbadalka doorasho ee dalka ka dhacay noqon doono mid barwaaqo Iyo baraare horseeda, oo horumar badan lagu gaaro.

Waxaa xusid mudan in laga tillaabana aysan habooneyn maalmihii tagay iyo waayihii la soo dhaafay. bacda maa, taariiku u taagantahay in laga macaasho oo timaadada looga faa’iideysto. Waxaan xasuustaa sanadkii 2000, in sidaan si lamida loo soo dhoweeyay oo bulshada qaybaheedu u kala harin dowladii uu hogaaminayay Dr cabdiqaasin salaad xasan ee lagu soo dhisay Carta-Djabuuti. taageeradii iyo xamaasadii shacabku kama badnayn isku soo bax ku ekaa maalmo, sidii laga filayana dowladii wax uma noqon sabab kasta ha yeelatee.

waxaa sidoo kale taageero wayn shacabka ka helay maxkamadihii islaamka markii 2006 ka awood roonaadeen qab-qablayaashii muddo si kala duwan muqdisho uga soo ariminayay, iyagana waa lawada ogaa meeshii ay ku dambeeyeen. su’aasha aanan ka hor dhici doonin waxay tahay, taageerada faraha badan ee shacabku u muujiyay dowladda farmaajo maka duwanaa doontaa kuwii hore?

WAXA LAGA FILAYO FARMAAJO.

Doorashada ka hor bulshada qaybaheeda kala duwan waxay aad u la socdeen isbadalka dhacaya 2017 iyo nuuca uu noqon doono. Waxay qiimay ku wadeen musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo. madaxwaynaha la doortay mudane maxamed cabdullaahi farmaajo, wuxuu kow ka ahaa kuwa ugu taageerada badnaa dhanka shacabka. waxaad moodaa inay kalsooni wayn ku qabaan inuu ka dhabey doono dhamaan waxyaabihii uu ballan qaaday markii uu ololaha ku jiray, Waxay ku tuhmayaan karti iyo daacadnimo, hanka ay ku qabaan waa mid aad u sareeya mararka qaarkoodna aad moodeyso “INUU ROMA MAALIN KU DHISI DOONO”!.

Waxyaabaha sida gaarka ah uga sugayaan shacabku waxaa ka mid ah;

1- AMNIGA iyo CIIDANKA -In la dhiso ciidan xoog leh oo ka yimaada gobolada dalka oo dhan. -In qaraxyada ka dhaca magaalada muqdisho iyo magaalooyinka kale dhamaadaan. -In ciidamada AMISOM iyo kuwa wadamada dariska ah sida Ethiopia iyo kenya dalka laga saaro oo laga maarmo.

2-CADAALADDA IYO LADAGAALANKA MUSUQA. -In lahelo isla xisaabtan dhab ah iyo dabagal lagu sameeyo laamaha kala duwan ee dowladda -In canshuurta dowladdu ku tiirsantahay muqdisho kaliya aan laga qaadin ee dhamaan gobolada dalka la simo. -In dadka dalka ku baracay iyo kuwa kale ee tabaalaysan la caawiyo. -dib u heshiisiin la sameeyo oo dhamaan bulshada ka qayb qaadato IWM.

3-SARE U QAADISTA AWOODDA DOWLADDA DHEXE IYO BAAHINTA XUKUNKA -In dowladdu dhamaan dalka gacanta ku wada dhigto. -Yarayta awoodda aan dastuuriga ahayn ee maamul goboleedyada -La heshiinta iyo qancinta Somaliland si dib lawgu soo celiyo midnimadii umadda soomaaliyeed IWM. Intaas iyo kuwa kale oo badan waxa qaba inuu ku guuleysan doono 4-ta sano ee nagu soo aaddan dadka iyagu taageersan siyaasada madaxwaynaha cusub, balse aan wada dhowro waxa uga qabsooma.

MAXAA LA GUDBOON MW FARMAAJO?.

Inkasta oo tilaabooyin muhiim ah hore loo qaaday, wax badan oo hannaanka dowladnimo ahna maamuladii hore sameeyeen, hadana wali waxaa la moodaa inaysan fari ka qodnayn, oo dalka siyaasad iyo shacab ahaanba awoodiisu waa ay kala qaybsantahay. Hadaba si, ay dowladdu ugu guuleysato howlaas culus ee horyaalla kalsoonida shacabkeedanna u lumin.

waxaan talo ahaan ugu soo jeedin lahaa madaxwaynaha in uu diiradda saaro qodobadaan hoose.

1-W/koowaad ku soo xulo karti, daacad iyo geesinimo hana noqdo qof aad wada shaqayn kartaan muddada 4ta sano ah.

2-Dadkii hore ee qaranka u adeegayay khibradooda ha laga faa’iideysto oo waqti badan haku lumin keenid kuwo cusub.

3-Abuur wada shaqayn dhab ah oo shacabka iyo dowladda dhex marta.

4-Waxaa jira shar wadayaal kuugu soo gambanaya Saaxiibtinimo, Qaraabo iyo Qabiil ul dheer iskaga fogee waxay rabaan dadkaa u dhaxayso inay kugu diraane.

5-Dowladaha dariska ah wada shaqayn u muuji, adiga oo eegaya saameynta ay ku leeyihiin dalkeenna. Ugu dambayn waxaan ku leeyahay hanbalyo mudane madaxwayne, xilka culus ee lagu egmaday Rabbi ha kugu asturo.

W/Q:- Eng Osman H. Hussein.

Binuxusen@hotmail.com.