Maxkamadda Ciidamada oo go’aan kasoo saartay kiiskii Ina Calool Geel

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (ina Calool Geel)oo dhowr jeer la hor geeyay Maxkamadda Sare kadib Rafcaan uu kasoo qaatay Maxkamadaha Ciidamada Puntland oo horay siyaaba kala duwan u xukumay iyagoo la xiriirinaya falal Arga-gixisanimo.

Maxkamadda Sare ayaa amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo Labo sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad Shan sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida janaraal Liibaan Cali Yarow.

Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017, waxaa looga fursan waayay in dowladda dhexe loo soo gacan geliyo Kiiskan oo culeys gaar ah ku hayay degmada Gaalkacyo ee maamul ahaan u kala qeybsan Puntland iyo Galmudug.