Sawirro: Faafaahin Qarax goordhow ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa Maqribkii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka magaalada Muqdisho, Qaraxan ayaa waxaa ku nafwaayey 7 iyo dhaawaca 10 kale, waxaana qaraxaan burbur xooggan gaarsiiyey dhismayaasha ku dhow.

Gaadiidka gurmadka deg deg ayaa goobta ka qaaday dad waxyeeladu soo gaartay, wadadan ayaa ah mid saxmad badan xiliyada galabtii, waxaana ku taalay bar kontorool oo gaadiidka lagu baaro.

Wadada Maka Almukarama ayaa ah waddo aad loo ilaaliyo, waxaana muuqata in amniga magaalada Muqdisho faraha ka baxay, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ayaa noqday ku dhawaad maalinle, waxaana xukuumadda cusub ee maanta la magacaabay laga sugayaa howl adag oo ah suggida amniga Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

 

11-3 17408071_10207022565642789_181897820_o 17431719_10207022565682790_450905186_o b-1 bb bbb bbbb ccc