Gudoomiyaha degmada Warshiikh oo dhaawacay xubin katirsan golaha deegaanka degmadaas

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya Guddoomiyihii dhowaan la doortay Xasan Xaaji Axmed Darafey uu dhaawacay xubin ka tirsan Golaha Deegaanka, kaddib markii ay xabad uga fakatay.

Dhacdadan ayaa aheyd maalin ka hor, waxaana xildhibaanka ka tirsan Golaha deegaanka Warsheekh ee dhaawaca loo geystay magaciisa lagu soo gaabiyay Makaraan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in arrintan ay aheyd mid si kama’ ah oo aan ku tala gal aheyn ay ku dhacday, kaddib markii Guddoomiyaha oo la barayay toogashada Bastoolada iyo Shiishka ay xabad uga fakatay Mr Makaraan, isla markaana uu dhaawac fudud soo gaaray, waxaana loo soo qaaday Isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Warsheekh oo ah nin dhalinyaro ah ayaa waxaa la doortay 22-kii Bishii la soo dhaafay ee August, kaddib doorasho nooceeda aan horay loo arag oo ay soo doorteen Gole deegaan loo sameeyay degmada.

Aragtidaada ka dhiibo