Isbeddel-doon mise isbixin-doon? W/Q: Maxamed Dhaaleey

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Hadda oo la joogo 2016, waxaa ay Soomaaliya martigelinaysaa loollan-siyaasadeed xoog leh oo ka dhexeeya mucaarad u cararaya kursiga dalka, iyo muxaafad la cararaya kursiga laftiisa, waxaana ay labada dhinac wada sugayaan dharaarta-kala-baxa oo ah maalinta ay dhacayso doorashada madaxtnimada dalka, oo bisha Nofeembar la ballamiyay.

Tirada musharraxiinta xilka madaxtinimada u taagan oo aad u badan, ayaa tusaale cad u ah sida uu xukunka dowladdu u yahay dananyta koobaad ee Soomaalida, laakiin waxaa xusid mudan in aanay tani ahayn dhawaan-dhalad ku cusub Soomaalida dhexdooda, waayo siyaasadda iyo dowladnimada, ayaa tan iyo markii uu dalku madaxbannaanaaday 1960-kii, waxa ay ka dhignaayeen shuqulka ugu badan ee ay maanka iyo muruqa dadka Soomaaliyeed ku foogan yihiin.

Mucaaradka u loollamaya hanashada xukunka, waa ay kala magacyo iyo muuq duwan yihiin, se halkudhegga qura ee ay ku howlgalayaan; waa ‘isbeddel-doon’, iyaga oo kor iyo hoos ugu qaylinaya in dowladdnimada Soomaaliyeed ay hadda ku jirto gacan aan sii wadi karin, loona baahan yahay in laga soo gaaro oo lagu hago dhabbo saxan.

In ay dadku dhegahooda iyo afkoodu is maqlaynin, iyo in hilmaanshuhu uu yahay cudur guud ahaan Soomaalida wada haayo, mid ay labadaasi tahay garan maayo e, dhawaqyada la maqlo marka ay doorashooyinku soo dhaw yihiin, waa isla kuwii la maqli jiray laga soo billaabo markii uu dalku ka xoroobay gumeystihii reer-galbeedka ee uu dowlad yeeshay. Is-beddel, Isbedel, Isbeddel, waa weedha ugu soo noqnoqoshada badan carabka siyaasiyiinta Soomaalida, iyo dadka iyaga la safan ee olollahooda xukun-doonka ah ku taageera.

Isbeddelka keli ah ee dalka lagu arkaa waxa uu weligiisba ahaa wejiyada dadka oo xafiisyada dowladda isku-weydaarta, iyada oo siyaasadda iyo shaqooyinka dowladduna ay la mid ahaayeen agabyada yaalla xafiisyad, ee hadba qofkii yimmaada lagu wareejiyo.

Aan dib u gedgeddino bogagga diiwaanka soyaalka Soomalida e, dowladihii loo yaqiin ‘rayidka’, ee Soomaaliya ka jiray intii u dhexeysay (1960-69), in kasta oo ay ahaayeen kuwa keli ah ee illaa iyo maanta loo aqoonsan yahay dowlado dimoqoraaddi ah oo doorashooyin dadweyne ku yimid, haddana u xusul-duubka kursiga, iyo is-garbinta siyaasiyiintu, waxa ay dhinacyada is-haya ku riixayeen adeegsiga xeelad kasta oo ay guul ku heli karaan, taas oo mararka qaar, ama inta badan ba, u gacan-haatinaysay habab aan sharci ahayn; sida is-gaashaanbuursiga beeleysan, iyo falalka musuqa iyo wax-isdaba-marinta ah.

Qoraallada ka warrama sooyaalka siyaasadda Soomaalida, waxa ay caddeeyaan in is-xulufeysiga qabiilada, ku-shubashada, iyo musuqmaasuqa doorashooyinku ay ahaayeen dhaqanno lixdannaadkii qarnigii 20-aad caan ka ahaa dalka, arrintaas oo sababta ugu weyn ee keenaysa ay ahayd hardanka ay dhinacyada siyaasaddu ugu jireen hanashada hoggaanka dalka.

Afgembigii ay ciidamadu xukunka kula wareegeen 1969-kii, isaguna waxa uu diiwanka sooyaalka Soomaalida ku xarriiqay dhacdo weji kale u yeeshay loollankii nabdoonaa ee ay siyaasiyiintu ugu jireen hanashada xukunka, waxaana ay dadka afgembigaas dhaliila ku sheegaan in uu ahaa isku-day guuleystay oo ay kooxo ciidanka ka mid ah ku doonayeen xaqiijinta hankoodii ku qotomay la-wareegidda xukunka dalka, si ay meesha uga saaraan dowladdii markaas jirtay oo ay mucaarad ku ahaayeen.

In kasta oo ay milatarigu sababta afgembigooda ku sheegeen soo-afmeeridda dhaqannada musuqa iyo maamulxumada ay dowladdii ka horreysay ku eedeysnayd, haddana waxaa xogaha qaar ay sheegaan in illaa 1967-dii laga shaki qabay hanka afgembiga oo ciidamada dhexdooda ka jiray, taas oo dhowr jeer kala-shaki iyo is-faham-darro ka dhex abuurtay madaxdii ugu sarreeysay dalka iyo saraakiishii ciidamada horkacaysay oo uu Maxamed Siyaad Barre ku jiray*

Doonistii siyaasadeed ee xukunka ku soo foorartay, waxaa fadhiisiyay milatariga dalka qabsaday, kaas oo 21 sano dalka ku maamulayay gacan adag oo aan ogolayn loollan siyaasadeed oo iska soo horjeeda, iyada oo durba markii xukunka la afgembiyay ay milatarigu soo saareen go’aanno ay ugu muhiimsanaayen baabi’inta dhamman xisbiyadii siyaasadda ee dalka ka jiray. *

Hase ahaate rafashada siyaasiyiinta ayaa ugu dambeyn goosatay xarkihii adkaa ee uu milatarigu ku xakamaynayay, taasna waxa ay dalka u horseedday xaalad kale oo loollan xukun-doon ah, oo noqday midkii ugu xumaa ee Soomalida soo mara; waana dagaallo sokeeye oo sababay burburka dowladdii markaas jirtay, iyo in ay sannado badan oo dhiig-daadsho iyo baaba’ ummadeed ah qaadato kasoo-kabsashada dhibta ay dagaaladu keeneen iyo dib-u-helidda dowladdii la burburiyay.

Dhammaan xaaladahaasi waxa ay dhacayeen iyada oo mar walba loollanka siyaasadeed ee xukun-doonka ahi uu ku howlgalayay qorshayaal huwan magaca ‘isbeddel-doon’, si dadweynaha loo tusiyo in ay lagama-maarmaan tahay beddelidda dowladda markaas jirta, oo ay u jeedinayeen dhaliilaha dib-u-dhaca iyo ka-gaabinta wax-ka-qabashada hadba arrimaha ay sida gaarka ahi dadka ugu baahan yihiin.

Waxaa se nasiibxumo ahayd in isbeddel kasta ee yimaada uu ka dhignaa uun; daad xoog ku socda oo xafiisyada dowladda ka xaabiya intii markaas fadhiday, beddelkoodana uga taga in kale oo uu markii hore xambaarsanaa, kuwaas oo iyaguna noqonayay bartilmaameedka diiradda kuwa iyaga ka fog, illaa uu ka yimaado daad kale oo isbeddeldoon ah, oo dadkiisiina wata. Sidaas ayaa uu isbeddelku u ahaa is-bixinta dadka ka shaqeeya xafiisyada dowladda, iyada oo shaqooyinkuna iyo siyaasadaha dowladduna ay sidooda yihiin.

Is-beddeldoonka maanta:

Musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxa ay u badan yihiin rag xilal ka soo qabtay dowladda hadda jirta, ama kuwii ka horreeyay, oo aan wax kaleba daa e, xafiisyadii ay u xilsaarnaayeen ka qaban wax muuqda oo howl ah, si ay ugu amaannadaan karti iyo howlkarnimo u suurtagelin karta hanashada xilka ugu sarreeya dalka oo ay hadda doonayaan.

Eray-bixinta ‘Isbeddel’, waxa ay luuqad ahaan ka dhigan tahay; in wax laga dhigo si ka duwan sidii ay markii hore ahaayeen, marka siyaasadda iyo dowladnimada la soo geliyana ‘isbeddel-siyaasadeedku’ waxa uu la macno yahay; isbeddel ku yimaada hogganka dalka iyo weliba habka dowladnimada. Waxa ay noqon kartaa iyada oo doorasho lagu beddelo hoggaamiyaha, ama uu dhinto jeer uu xilkii weli haayo*.

Waxaa isbeddelka hoggaanka la socda, isbeddelka habka dowladnimada, taas oo macnaheedu yahay; in hoggaamiyaha cusub uu la yimaado qorshayaal uu wax kaga beddelayo maamulka dalka, isaga oo u jiheynaya dhan ka wanaagsan dhankii ay dowladdii hore wax u wadday. Macnaha isbeddelka dunida laga yaqaanna, qeyb ka ma aha isbeddelka shakhsiyaadka, iyada oo ay wax walba sidoodii ahaanaayaan.

Marka aad u fiirsato, xusul-duubka loogu jiro doorashada soo socota, waxaa kuu soo baxaya, xaafado guuraya, oo agabkoodii wata, kuwaas oo geedi u ah xafiisyada dowladda oo ay madaxtooyadu ugu weyn tahay, sida keli ah ee is-tuska muuqaalkaas kuu sawirmaya aad u macnaysan kartana, waa in qof weliba oo xaafadahaas guuraya ka mdi ah uu beegsanayo qof kale oo halka uu hadda ku sii socdo jooga, si uu ugala wareego wax kasta oo uu qofkaasi hadda hayo, ama aan iraahdo e, si uu isagu u noqdo qofkaas, qofkaasina u noqdo isaga.

Marka aad la sheekeysato taageerayaasha musharraxiinta xilka madaxtinimada u ordaya, waxa aad ogaanaysaa in aanay badnayn dadka sharrixi kara barnaamij-siyaasadeedka uu musharraxoodu ku tartamaya, ee haddii uu guuleystana uu dalka ku maamuli doono. Waxaase badan, dadka kaaga sheekeyn kara suurtagalnimada in qof caawa sariirta qolkiisa taalla iska seexday, uu berrito ku waaberiisan karo isaga oo dul-jiifa sariir madaxtooyada dhex-taalla, taasina lagu gaari karo mucjisada isbeddelka oo u adeegisteeda ay howl iyo halgan badan u baahan tahay.

Tusaalooyinka muuq-muuqda ee maanka qofka isbeddelka doonaya ku jira, oo dhiirrigelin iyo dhaqaajinna ugu filan, waxaa ka mid ah; hebel oo maanta madaxtooyada ka shaqeeya, ama wasaarad kale xil sare ka haya, oo geeddiga-noloshiisa uu muddo afar sano ah gudahood isaga gudbay masaafo u dhiganta dhulka hoostiisa, illaa sammada todobaad ee ugu sarreysa dusheeda. Waa hebel, oo afar sano ka hor waddooyinka Muqdisho ku dhejinayay tabbeelooyinka musharraxa uu taageersan yahay, meel walbana la taagnaa taageeradiisa, kaas oo marki uu musharaxiisu guuleystay, cagta dhigay, goob uu cagaha ka qaaday nin isaga ka horreeyay oo uu isbeddelku bixiyay.

Soomaaliya, waxa ay aad ugu baahan tahay; isbeddel siyaasadda u yeela weji ka qurxan kan ay hadda lee dahay, mase u baahna isbeddel siyaasiga u yeela weji ka qurxan midka uu hada lee yahay. Waxa u dalku u baahan yahy, isbeddel uu qaranku dheefsado, ee uma baahna isbeddel uu qof dheefsado.

Haddii aan anigu maanta u ololeeyo isbeddel aan ku seexanayo sariir uu nin kale jiifo, ku fadhisanayo kursi uu nin kale ku fadhiyo, kuna qaadanayo mushaar uu nin kale qaato, miraha keli ah ee aan isbeddelkaas ka guranayo waa in uu afar sano ka dib yimaado, isbeddel kale oo intaydaas ku wareejiya nin kale.

W/Q: Maxamed Dhaaleey

1 thought on “Isbeddel-doon mise isbixin-doon? W/Q: Maxamed Dhaaleey

Comments are closed.