Kenya oo sheegtay in ay dagaal ku dishay xubno ka mid ahaa Al-Shabaab

Wararka Maanta

Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen, markii uu kabada dhinac dagaal ku dhex maray degaanka Buulo-Xaaji oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo , Col; Paul Njuguna, ayaa sheegay in ay sidoo kale dagaalkaasi ay ku qabsadeen Laba Qori oo AK47 ah, mid Diiradle ah, Saanad Ciidan iyo qalab kale.

Afhayeenka Ciidanka Kenya, Col; Paul Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu soo celinayo nabad gelyada Soomaaliya.

Horraantii Bisha January  ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Ciidanka Difaaca Kenya ay dileen Todoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tira intaa ka badanna ay ku dhaawaceen markii ay howl-gal ka fuliyeen qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.