Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Arimaha Qaxootiga

Wararka Maanta

Wafdi wasiirro oo ka socda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, halkaassi oo ay uga qeyb galayaan shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga, oo uu soo abaabulay Urur Goboleedka IGAD.

Shirkan oo soconayay muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro iyo agaasimayaal iyo hay’adaha kala duwan oo arrimaha qaxootiga uu khuseeya, iyadoo dhinaca Soomaaliyana ay uga qeybgalayaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka XFS Mudane Xamse Saciid Xamse iyo wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Khayr , sidoo kale waxaa ka mid ah wafdigan agaasimayaal ka socda Wasaaraha kala duwan ee dowlahada ku bahoobay Ururka IGAD.

Shirkani ayaa la filayaa in maanta oo khamiis ah la soo gabagabeeyo, islamarkaana ay ka soo baxaan arrimo muhiim u ah Qaxootiga gaar ahaan kuwa Soomaalida.