Gareth Bale Oo Seegaya Kulanka Espanyol

Ciyaaraha

2414

Gareth Bale ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doona kulanka Real Madrid ee La Liga la ciyaarayso  Espanyol isbuucaan ka dib markii uu dhaawac sinta ah kasoo gaaray Los Blancos ciaartii ay 2-1 ugu badisay kooxda Sporting Lisbon ee Champions League.

Bale waxa soo gaaray dhibaatadan inta lagu guda jiray marxaladaha dambe ee ciyaartii Bernabeu, inkastoo ciyaartoyga reer Wales joogay bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta.

Sida laga soo xigtay Marca, Bale ayaa mari doona baaritaan caafimaad   si loo ogaado baaxadda dhibaatada uu qabo, laakiin weeraryahanka ayaa haatan seegi doona kulanka horyaalka axada ee ay la ciyaarayaan Espanyol.

Karim Benzema ayaa dhaawac sinta ah kasoo laabtay kulanka arbacada ee la ciyaareen Sporting , laakiin waxa lagu bedelay xidiga reer France Alvaro Morata kaasoo goolka guusha ku hogaamiyay kulankii qeybta ka ahaa Group F.