Schalke 04 Oo Xiisaynaysa Mesut Ozil

Ciyaaraha

Schalke 04 ayaa xaqiijisay inay xiiseynayaan inay Mesut Ozil dib ugu soo celiyaan kooxda mustaqbalka.

Ozil ayaa ku soo biiray kooxda Schalke ka hor inta uusan ku biirin kooxda Werder Bremen ka dib 39 kulan oo uu u saftay kooxdiisa, isagoo diiday inuu saxiixo qandaraas cusub, islamarkaana ku dhaco maamulka kooxda ka hor inta uusan ka tagin.

29 jirkaan ayaa mar kale ku soo laaban kara kadib dhamaadka qandaraaskiisa haatan ee Arsenal, inkastoo madaxa kooxda Schalke Clemens Tonnies uu meesha ka saaray suurtogalnimada inuu dib u midoobo xilli ciyaareedka soo socda.

“Weli xiriir weyn ayaan la leeyahay Mesut, waan hubin laheyn inaan soo laabano, hadii ay labada dhinacba u fiican yihiin, way fiicnaan laheyd” ayuu Tonnies u sheegay Kicker.

“Ciyaaryahanku wuxuu dhihi karaa waa ku soo laabanayaa , kuna ciyaaro kubada cagta garoonkan taageerayaasha  gobolka mar kale, laakiin marnaba ma dhici doonto xilli ciyaareedka soo socda.”

Manchester United iyo Inter Milan ayaa la rumeysan yahay inay hogaaminayaan tartanka loogu jiro saxiixa Ozil, inkastoo Barcelona ay sidoo kale lala xiriirinayay bisha Janaayo xiddiga reer Germany.