AC Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan inay dib ula soo wareegaan daafaca dhexe ee reer Brazil Thiago Silva ee kooxda Paris Saint-Germain.
Silva ayaa la joogay Milan intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2012 ka hor inta uusan u dhaqaaqin PSG, halkaasoo oo u saftay in ka badan 150 kulan afar xilli ciyaareed.
31-sano jirkaan ayaa weli fure u ah Paris, laakiin qandaraaskiisa waxa uu dhici doonaa xagaaga soo socda ee 2018, sida ay sheegayso Tuttomercatoweb, Milan ayaa isku dayi doonta in ay dib ugu soo celin Italy daafaca dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Silva oo 59-jeer kasoo muuqday dalka Brazil, ayaa 45 kulan u saftay PSG xilli ciyaareedkii hore iyadoo kooxda ka dhisan Faransiiska ay ku guulaysteen Ligue 1 iyo Coupe de France iyo Coupe de la Ligue.