Gareth Bale Oo Aan Ku Jirin Kooxda U Safraysa Tottenham Hotspur

Ciyaaraha

Xiddiga Real Madrid Gareth Bale ayaan lagu soo darin ciyaartoyda kulanka arbacada ee Champions League ee  ku la ciyaaraya Tottenham Hotspur garoonka Wembley.

Tababaraha Zinedine Zidane ayaa dhawaan sheegay in uu go’aan ka qaadan doono taam ahaanshaha ciyaaryahanka.

Inkastoo uu qeyb ka ahaa tababarka Isniintii, 28 jirkaan ayaan si buuxda uga soo kabsan dhaawac  soo gaaray bishii lasoo dhaafay.

Sida laga soo xigtay The Mirror, Raphael Varane ayaa sidoo kale laga saaray kooxda, halka Dani Carvajal iyo goolhaye Keylor Navas laga saaray Madrid.

Los Blancos, oo barbaro 1-1 ah la gashay Spurs kulankii Bernabeu horaantii bishaan, ayaa u safraysa  Wembley ka dib guul darradii 2-1 ee kasoo gaartay Girona ee horyaalka La Liga.