Pep Guardiola Oo Uga Digay Ciyaartoydiisa Guuldarro

Ciyaaraha

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa uga digay ciyaartoydiisa in koox kasta ay awood u leedahay inay garaacdo, inkastoo ay qaab ciyaareedkoodii hore ee rikoorka ahaa xilli ciyaareedka.

City ayaa badisay 11kii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan  Premier League iyo Champions League, iyadoo Sabtida ay 3-0 uga badisay Burnley waxayna hogaanka u hayaan shan dhibcood oo nadiif ah.

Kooxda Citizens ayaa dooneysa inay sameyso rikoor cusub oo ah in ay badiyaan 12 kulan oo isku xigta marka ay soo dhaweynayaan hogaamiyeyaasha horyaalka Championship Wolverhampton Wanderers habeenkii talaadada, laakiin Guardiola ayaa is ka ilaalinaya inuu guuldaro ka soo gaarto kulanka EFL Cup.

“Waxa kaliya ee tababare ahaan ii sheegay ilaa intii aan bilaabay xirfadeyda waa ‘ka feker midka xigta’, kan xigga waa Wolves, ma ahan meeshii uu ku fadhiyo ama haddii ay ku jiraan shanta ama lixda sare, koox kasta ayaa garaaci karta , “ayuu u sheegay wariyeyaasha.

City ayaa dhalisay 39 gool 11kii kulan ee ay badiyeen, oo ay ku jirto 24 gool lix kulan oo isku xigta oo gurigooda ah