Axmed Madoobe” Hal daqiiqo in la aamuso maaha dhaqankeena

Wararka Maanta

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa si xoogan uga carooday hal daqiiqo oo xalay loo istaagay, laguna xusaayay dadkii ay Shabaabku ku dileen weerarkii Hotel Naasa Hablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa su’aal ka keenay dhaqankan cusub oo ka baxsan dhaqanka Somalida iyo weliba Diinta Islaamka, isagoona sheegay inaanan loo baahnayn ficilada ceynkaasi oo kale ah.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay shirka Madaxda Dowladda Somaliya & Maamul Goboleedyada uga soconaya Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay inay yihiin dad Muslimiin ah, Shabaabkuna ay Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyadaba kula dagaalamayan iyagoo diin sheeganaya, sidaasi si lamid ahna loo baahan yahay in diiniyan lagula dagaalamo, haddii kalena ay hadhow dhihi doonaan waa kuwaa gaaladii aan la dagaalamaynay, waa haddii lala yimaado wax ka baxsan Diinta Alle.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in aanan loo baahnayn marada gaduudan ee dadku u xirteen, si ay ugu muujiyan sida ay kaga xun yihiin dadkii faraha badnaa ee argagixisada ku dishay qaraxii Isgoyskaka Zoobe).

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa wuxuu ku baaqay inaanan wado khaldan loo tilmaamin Shabaabka, si aanay u sii baneysan dhiigga dadka Somaliyeed.

Mar uu ka hadlayay sida looga adkaan karo kooxaha nabadiidka, ayuu ku taliyay in halmeel laga wada noqdo dagaalka ka dhanka ah, haddii ay si isu mida ula dagaalamayan Dowladda Dhexe & Maamul Goboleedyadaba.

Waa markii ugu horeysay shir ka socdo Villa Somalia oo hal daqiiqo loogu aamuso dad ay kooxda Al-Shabaab ku dileen Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba.