Paul Pogba ayaa qirtay inuu ku faraxsan yahay inuu ugu danbeyn ku soo laabto garoonka ka dib markii uu ka soo laabtay dhaawac soo gaaray islamarkaana caawiye ka ahaa Manchester United kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Newcastle United.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska, tan iyo bartamihii bishii September ee sannadkan ayaa dhaawac muruqa ah soo gaaray, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo line-upka Red Devils kulanka caawa.
Zlatan Ibrahimovic ayaa sidoo kale ka soo laabtay dhaawac kaasoo kursiga keydka fadhiyay, waxaana la siiyay 13 daqiiqo dhamaadkii ciyaarta, halka Marcos Rojo uu isna ka soo laabtay dhaawac.
Isagoo la hadlayay BT Sport ciyaarta ka dib, Pogba wuxuu yiri: “Waan guuleysanay, waxaan heysanay seddex dhibcood, waana arin muhim ah, Zlatan Ibrahimovic, aniga iyo Marcos Rojo ayaa ka soo laabtay dhaawacii waan ku faraxsanahay.
“Waxaan arkayaa koox isku mid ah, waxaan dareemeynaa jawi isku mid ah, xilli ciyaareedkan waa mid aad u dheer, hada maahan ee, waa dhamaadkii, waxaan iska ilaabi karnaa dhaleeceynta, way dhaawacaysaa marka aadan ciyaareyn, waxaad dooneysaa inaad caawiso kooxda , laakiin kaliya waa inaad sameysaa bogsashadaada. ”
Saxeexii hore ee adduunka ugu qaalisanaa ee Pogba ayaa haatan heysta seddex gool iyo seddex caawin shan kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkaan.