GANACSATO SOOMAALIYEED OO 14 TAN OO MOOS AH U DHOOFISAY DALKA TURKIGA

Dhaqaalaha Wararka Maanta

GANACSATO SOOMAALIYEED OO 14 TAN OO MOOS AH U DHOOFISAY DALKA TURKIG

Mooska waa mid kamid ah wax soo saarka dalka waxeyna ganacsatada Soomaaliyeed ay si la mid ah uga faa’ideysanayaan suuqyada Caalamka oo furasad u helay in loo iibgeeyo dalagyada kasoo go’o dalkeyna.
ilaa afar iyo toban tan ayuu ka koobanyahay waxaana ay kusoo adeysaa muddo kooban gudaheed in markii labaad laga dhoofiyo Dekeda magaalada Muqdisho, waxaana suurageliyay Wasaaradda Beeraha Dowladda Soomaaliya oo dib usoo celisay xiriirkii Wadankeynu uu la lahaa Caalamka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Yuusuf Nuur ayaa sheegay in la helay dalabyo badan oo ka yimid suuqyadda Caalamka loona baahanyahay in loo diyaar garoobo kor u qaadista iyo diyaarinta wax soo saarka dalagyada kala duwan ee kasoo go’a dalka.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya, mudane, Daahir Cabdi Cabdullaahi ayaa sheegay in waxyaabaha dibadda looga keeno dalka iyo kuwa laga dhoofiyo loo baahanyahay inay sinaadaan taasi oo qeyb ka ah qorsha hormarinta dhaqaalaha dalka.
Waa markii labaad 50 cesho gudahooda dalka dibaddiisa loo dhoofiyo Mooska waxaana kal hore loo qaaday dalka boqortooyadda Sacuudiga hase yeeshee Turkiga waxa uu ka midyahay dalalka sida dhaw saaxiibka ula ah Dowladda iyo Shacbka Soomaaliyeed waxaana sidoo kale dhiiri gelin ka helaya Beeraleyda Soomaaliyeed.