Deg deg:Al-shabaab oo weerar dhowr jiho ah ku qaaday xerada Hiil wayne ee ciidanka XDS

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay caawa weerar ku qaadeen Xerada Hiilweyne, halkaasoo ay xarun u aheyd Ciidan ka tirsan Xoogga dalka.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada, waxaana wararka qaar sheegayaan inay gudaha u galeen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayaan hub culus oo labada dhinac isku adeegsanayaan, waxaana weerarkan uu yahay kii u horeeyay ee xeradaas lagu qaado.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in afar ruux oo rayid ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar ay ku dhinteen weerarka lagu qaaday xerada Hiil-weyne,sidoo kale askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ka mid ah dadka ku dhintey weerarkan.

Xerada Hiilweyne ayaa u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana ay qiyaastii dhowr iyo labaatan KM u jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

La soco wixii warar ee ku soo kordha