Akhriso: Jadwalka Dooda Musharixiinta Madaxweynaha

Wararka Maanta

IMG_20170206_081556

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka bilaabanaysa Dooda Musharixiinta Madaxweynaha oo dhawaan la hakiyay kadib markii Musharixiinta madaxweynaha ay eedeen u jeediyeen Guddiga qaban-qaabada doorashada oo ku aadan in dooda ay u diideen Saxaafadda Madax Banaan.

Intaas kadib Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa go’aan ku gaaray in la joojiyo dooda Musharixiinta, balse kulamo ay yeesheeyeen guddiga iyo musharixinta waxaa lagu go’aamiyay In la 6/2/2017-ka oo maanta ku beegan in la qabto, islamarkaana labo galin laga dhigo dooda.

Galinka hore waxa ay dooda bilaabanaysaa 10:00Am Subaxnimo waxaa lasoo afjarayaa 12:00Pm ee duhurnimo waxaa la qorsheeyay 12-musharax balse waxaa laga saaray liiska musharax Eng C/laahi Cali Xasan oo iscasilay.

Galinka dambe waxa ay dooda bilaabanaysaa 02:00PM Duhurnimo waxaa lasoo afjarayaa 04:00PM oo galabnimo waxaa la qorsheeyay 12-musharax.

Waa markii ugu horeysay ee musharixiin Madaxweynaha Soomaaliya loo qabto dood nuucaan ah.

IMG_20170206_080336