Ciidamo watay gaadiid dagaal oo Degmada Wanlaweyn xalay ku dilay nin Nabadoon ahaa

Wararka Maanta

Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose waxaa xalay lagu dilay Nabadoon Maxamed Cabdi oo ku magacdheeraa Macallin Jeelle.

Maxamed Cumar oo uu adeer u yahay Nabadoonka la dilay islamarkaana xilliga la dilaayay goobjoog u ahaa ayaa xaqiijiyay in Ciidamo watay Gaari Cabdi bile ah sidoo kalena tuuteysan ay Nabaddoonka gurigiisa ugu galeen kuna dhex dileen.

Maxamed waxa uu sheegay in uu isaga isku dayay in uu lahadlo Ciidanka hayeeshee waxaa ay ku amreen in uu Gurigiisa ku laabto.

Kaddib ayuu sheegay in uu maqlay rasaas badan,iyada oo Nabaddoon Jeelle oo dhaawac ah ay guriga ka soo saareen kaddibna ku dileen banaanka Gurigiisa.

Maxamed Cumar ayaa sheegay in Ciidamada uu arkay ay ahaayeen Ciidamada uu Mareykanka tababaray ee Balli doogle fadhigoodu yahay kuwaas oo loo yaqaan Bangarfta.

Sida uu sheegay Maxamed ma jirin wax siyaasad ah ama dacwado kale ah oo uu ku lug lahaa waxaana uu ahaa Nabaddoonka mid ka mid ah Beelaha dega labada shabeelle.