Gaari ay leeyihiin ciidanka AMISOM oo jiiray Haweeney Da’ ah (Sawirro)

Wararka Maanta

Ciidamada midow afrika AMISOM ee ku sugan dalkeena Soomaaliya ayaa maanta gaari ciidan oo ay lahaayeen haweeney da’ ah ku jiiray isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

fb_img_1481812034602

Hooyadan waayeelka ayaa ku qur baxday isla goobta, waxaana cararay gaarigii jiiray haweeneydan masaakiinta ah.

Ciidamada AMISOM ayaa inta xowli dheereya ku mara wadooyinka Muqdisho, iyagoo jiira gawaarida iyo dadka Soomaaliyeed ee wadada maraya.

Ma jirto cid ka tirsan dowlada Soomaaliya oo ka hadashay tacdigan foosha xun oo ay geysteen ciidamada Amisom.