Imaaraatka Carabta oo taageeradii kala laabtay Cumar C/rashiid (Xog Muhiim ah)

Wararka Maanta

cumar_cabdirashiid1

Dowladda isutagga imaaraat carabta ayaa taageeradii kala laabatay musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharkaame, kadib safar qarsoodi ah oo Mr. Sharmaake shalay ku tagay dalkaasi.

Cumar C/rashiid oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa shalay looga yeeray dalka imaaraatka carabta, waxaana diyaarad qaas ah ka qaaday magaalada Garoowe.

Mr. Cumar oo ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u sharaxan jagada Madaxweynanimada Soomaaliya, waxaana kulankii uu la qaatay madaxda imaaraatka u sheegeen in ay kala laabteen taageeradii, kadib markii sida ay sheegeen taageeradiisa ku waayeen saaxiibo muhiim u ahaa.

Arintan ayaa muujinaysa in ay hoos u dhacday rajada madaxtinimada Sharmaake maadaama uu lumiyey taageeradii ugu weyneyd, dhankale Cumar ayaa ku guuldareystay in uu mideeyo musharixiinta beeshooda, kadib markii C/raxmaan Faroole ku gacan seyray inuu u tanaasulo.

Sidoo kale Xasan Sh. Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya oo ah musharax u taagan xilkan inuu markale qabta ayaa maalin ka hor booqday safaarada imaaraatka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in xiriir fiican kala dhexeeyo dowlada imaaraatka carabta.