Dhalinyarada Qaranka oo u Xog-Waramay Dhalinyarada Galmudug (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

kulan xog-waran oo dhalinyarada Qaranku xalay la yeesheen dhalinyarada Galmudug ayaa ka dhacay Hotel Central Magaalada Cadaado. Kullanka ayaa Hoggaanka Golaha Dhalinyarada Qaranku waxa ay u xog warameen dhalinyaradii kasoo qeybgashay fadhiga.

Sidoo kale Dhalinyarada Galmudug ayaa su’aalo weydiiyey Madaxda Dhalinayarada Qaranka, waxaana labada dhinac is dhaafsadeen xogo muhiim ah .

Dhalinyarada ka qeybgashay kulankan ayaa muhiim u arkayey in ay wax badan ka ogaadaan qaab dhismeedka Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo waxa u qorsheysan.

Arimaha ugu muhiimsanaa ee shirkan looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa in loo gudbo sidii mustaqbalka dhow loo dooran lahaa Hoggaanka Dhalinyarada Qaranka oo hadda lagu soo ku dhisan qaab soo xulis ah.

Sidoo kale Wafdiga ka socda Dhalinyarada Qaranka ayaa la filayaa in ay maanta ka ambabaxaan Magaalada Cadaado, iyagoo la filayaa in inta aysan bixin warmurtiyeed wadajir ah soo saaraan Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo Dalladda Dhalinyarada Galmudug GYAN.