Faq Sheydaan iyo Faalalow Ambaday!.

Qalinka Qoraaga SHEEKOOYIN

Waa xeel dheere sifican u yaqaana faalka ififaala bixintiisana ku asiiba inta badan sheegida xaajada uu u faaliyo, dadka faashadaahina aad ayey ugu kal soonyihiin, wuxuu aaminsan yahay dadkana u sheega in faalkiisu waligii been u sheegin ama isagu uusan ka ben sheegin faalka.

Waa xirfadle isku kalsoon dhigista faalkana ay u wehliso xidaga tiris, oo ah cilmi la xiriira saadasha iyo odoroska is badbadalka cimilada  waana tan mida ku saacida in faalku u tooso mar walba. Dadka tuulada uu ku noolyahay ku dhaqani waxa ay ku qadariyaan ugana dambeyaan xirfadiisa faalalalownimo, in kasto dadka qaar ay aminsanyihiin in uusan shaqa fiican aheyn faalku.

Qushigiise Habeen habeenada ka imada ayaa waxa u yimi Sheydaan duqa, waxa uuna ku yiri waxaad tahay Faaliye laga haray cilmigiisuna bad yahay, waxaan diyaar u ahay in aan kuugu daro oo aan ku baro cilmiga sixirka dadkana aad sixri karto, ama aad xisir furi karto, waase hadii aad aniga ila shaqeyneyso oo aad GOLO minkis lagu tumo oodeyso, faaliyihii arintaa waa ka biya diday, sheydaanki oo careysan ayaa iska tagay go’aana ku qaatay in faaliyiha uu fashiliyo, kuna qasbo in uu la shaqeeyo isaga. Balse faalowgu hadalka sheydaanka riya kaliya yuu ka soo qaaday oo qaraw habeennaad uma dhaafin.

Maamlo yar ka dib Tuulada waxa ku soo biirtay gara yar oo aad u qurxan gaar ahaana soo jiidatay faalowgan doobka ah ee aan wali guursan aadkana is cabajabiyay dadkana cilmagiisa ku waabsada, maantase xaalkiisu waa mid adag, waxa uu doonaya walibana jeclaaday gabadha cusub, aadna u qurux badan, hami badan ayaa galay niyada wuxu ku hayaa madaba uu yahay nin laga dambeeyo in aysan gabadhu iyana diidi doonin, waxase uu ku fakaray in uu hubiyo xaalka gabdha ka hor inta uusan weerar qaadin, ma gabarbaa ma garoobbaa mise waaba xaas laqabo.

Geedkii uu howsha ku kala jari jiray ayuu hoos fadhiyaa dhulka ayuu xariiqihii ifafaala eegida ku dhigay dhan kastana u jeed jeediyay, xardhidda dhulka ka sokow, maskaxda ayuu mashquul saaida ka yahay, natiijada dhigista xariiqaha ka hor ayuu doonaya in uu qalbiga ka sii ogaado, balse suura gal uma aha ee wuxuu ku qasbanyahay in uu sugo natiijada, waase guushiisiiye waxaa u soo baxay natiija ka farxisay oo ah in gabadhu tahay hor banana waliba guur diyaar u ah, durbadiiba waa uu ka kacay fadhigii waxa uuna u qalab qaatay xagee reerki ay gabadhu u joogtay una geed fadhiistay si uu gabda loo siiyo, waxaase waagu ku baryay marki reerki u shegee in ay san gabari u joogin, walibana lagu yiri mudaan deris ahayne waa maxay gabadha ad shegeyso maanta maxa ka qaldan, hadiiba uu dib u fiiriyay waxa uu dul taaganyahay xaaji Cabid iyo islaantiisi Ceebla aheyd oo aan caruurtaba laheyn, wuxuuse yiri waligeey Faalku been ima sheegin ana gabadha faalka ka sokow waanba arkay iyada oo gurigaan so galeysee see wax u jiraan?. Waa yaladii waxa ay u shegeen in wax si ka yihiin maanta, waana isaga soo tagay, waayo cidaan waligi auu yaqanay gabarina uma joogto.

Dib ayuu u soo laabtay isaga oo xaalkiisu, aad u adag yahay waxa uu arkay iyo reerka uu waligi yaqaanay ee  uu gabadha ka doonay ayuu u qaadan waayay, si wax u qaldanyihiin ma uusan garan, wuxu bilaabay baadi goob iyo in uu reeraha iyo dadka deedaanka wareysto bal cid ay gabar ku cusub tuulada u timi, wax tilmaamana ma helin, gurigiisi ayuu dib ugu laabtay fakar iyo isla hadal ayuu  dhex jibaaxay ilaa ka seexdo. Xili dambe ayaa waxa u yimi sheydaanki uu horay warka uga diiday una sheegay in gabadha u jeclaaday faalowgu uu yaqaano guriga iyo reerka ay la joogto, balse shardi ay tahay hadii uu doonayo in gabadha la tuso uu shedeenka la shaqeyo GOLA mingisna dhiso.

Faalalowgii hada ayuu baraarugay waxa uuna FAQ kuyala jiraa sheydnkii si meel uun loogu sheego baadida ka maqan ee uu walwalayo, sheydanku wuxuu ku dadaalayaa in gole mingis loo dhiso, yelkeedi ninba danleh, walise xal lama gaarin.

F.G Aqriste sadax is weydii balse ha ku fakarin in aad ogato.

1- Natiijada Faqa sheydaanka iyo Faalalowga

2- Gabdhu cida ay tahay iyo halka ay ku nooshahay.

3- In sheeku siyaasad tahay iyo in kale.

W/Q Bashiir Ahmed Bashir Ahmed Suley