Akhriso: Qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlu Sunno

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa maamulka Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa goordhow heshiis ka kooban 14 qodob ku saxiixay xarunta Madaxtooyada Qaranka Magaalada Muqdisho. Madasha heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad gobleedyada, Safiiro iyo masuulyiin kale. heshiiska ayaa u qornaa sidan

  1. in Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ee Galmudug ay sii haynayaan xilka.
  2. in Magaca iyo Calanka Galmudug loo daayo sida ay hadda yihiin.
  3. in la siiyo Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu sunna waljamaaca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan awood maamul oo ah Madaxa Xukuumadda . Awoodiisana ay ka mid yihiin A) Horgeynta Golaha Shacabka wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada marka madaxweynuhu soo magacaabo B) Gudoominta fadhiyadda Golaha Wasiirada C) Waxa uu la tashadaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa mar walba. D) Madaxweynaha Dowlad goboleedka ayaa magacaaba xilkana ka qaada Wasiirada, wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada Markuu la tashado Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxa Golaha Wasiiradda.
  4. Waxaa lagu heshiiyey in la isku daro labada Barlamaan oo hadda jira, iyada oo la raacayo awood qeybsiga beelaha.
  5. in Golaha Wasiirada lagu qeybsado si heshiis lagu yahay oo ku saleysan habka awood qeybsiga iyada oo la raacyo awood qeybsiga beelaha
  6. in Ahlu sunna waljameeca soo magcaabato gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
  7. in lagu qeybsado taliyayaasha iyo taliye ku xigeenada ciidamada sida Daraawiishta, Nabad suggidda, Booliska iyo Ciidanka Asluubta iyada oo la raacayo awood qeybsiga beelaha
  8. in gudoomiyayaasha degmooyinka ee hadda jira ay sidooda u sii shaqeynayaan inta laga dhisayo maamul dhameystiran.
  9. waxaa la isla meel dhigay in la iswaafajiyo labada dastuur iyo labada Astaan ee Maamulada Galmudug iyo Gobolada Dhexe Ahlu sunna Waljamaaca si dan u ah maamulka dhismaya iyada oo loo saarayo guddi farsamo.
  10. Waxaa lagu heshiiyey in la abuuro ciidan isku dhaf ah oo dowlad goboleedku leeyahay inta ka horeysa ciidan walba oo hadda jira uu goobta uu hadda ku sugan yahay ku sii sugnaado.
  11. Waxaa lagu heshiiyey qof la og yahay inuu yahay Argagixiso ama la shaqeeya argagixisada ama burcad badeed ah in uusan ka mid noqon karin maamulka cusub ee dhismaya.
  12. Wixii kaloo farsamo ah ama ka dhiman heshiiskan waxaa lagu dhameyn doonaa fadhiyo kale.
  13. deegaanada hoosyimaada Maamulka Ahlu sunna waljamaaca oo qeybta ka ah gobolka Hiiraan waxaa looga hadli doonaa fadhi gaar ah si waafaqsan dastuurka Qaranka u yaala.
  14. Waxaa la isla gartay in heshiiskan lagu dhameystiro laguna fuliyo magaalo madaxda Dhuusamareeb