Kheyraadka dalkeena sidee baan u kala dooranaa ?

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Soomaaliya waa dal ilaahay dhexdhigay kheyraadka aduunyadu ku faanto intiisa badan sida Beeraha, xoolaha la dhaqdo, kaluunka, xeebaha dalxiiska, waxa la yiraahdo logistic strategic, kheyraadka dhulka hoostiisa kujiro, iyo qeybo kale oo badan sida cimilada dhexdhexaadka ah ee ilaahay nagu galaday kuna wanaagsan dalxiiska iyo nasashada.

Inta badan kheyraadka ilaahay na milkiyey qeybkastoo ka mid ah haddii aan kaligeed hormarino waxey ku filantahay oo maareynkartaa dhaqaale ahaan baahida dadkeena dhinac walba. Tusaale hadii aan beeraheena ku bixino tamar aan xooga saarno sidii aan u hormarin lahayn uga dhigi lahayn kuwa daboola baahideena raashin isla markaana aan suuq uga raadino aduunyada waxey kufilanyihiin beeraheenu dhamaan baahideena, sidoo kale kaluunkeena haddii aan si fiican u maamulano una hormarino una suuqgeyno wuxuu ku filan yahay baahideena, dhinaca xoolaha hadaad eegto kaba daran dhulkeena intiisa badan waa dhul daaqsimeed halka somalidu ay ka baa bi’i weysay taariikhihii horena waxey ahayd dhaqalaheeda oo ku tiirsanaa xoolaha nool. Hadaba kheyraad keena waxaa wanaagsan in aan u kala saarno laba qeybood

Mid xambaarsan saamayn togan iyo mid xambaarsan saamayn dadban

Resources in Somalia
Negative effect 
2 Positive effect

1.0 Haddii labada qeybood midba gaar aan u sharaxno kan koobaade xambaarsan saamaynta guracan waxaan niri waa kheyraadka alla nasiiyey ee gunta hoose ee dhulkeena ku jiro halista uu xambaarsan yahayna waxaa ugu waawayn
1.1 Anagoo aan u diyaarsanayn sababa soosocda awgood:
a) Mahaysano awood aan kheyraadkeena ku maamulano waxaana dhacaysa xoolaheena oo la biliqeysto anagoo arkayna waxna aan ka qaban Karin

  1. b) Mahaysano dowlad awaamiirteeda iyo siyaasadeeda amni iyo teeda ganacsi ay dalka si sax ah uga wada shaqeeyaan
    c) Makala garanayno cida cadow noo ah iyo cida aan sxbka ka dhiganayno

1.2 Halis amni: Xaalada amni ee dalkeenu wajahayo ma suurta galinayso in dhulka hoostiisa kheyraad laga doono waayo dowlada Soomaaliya gacanta kuma hayso amaanka dalkeena waxaana imaanaysa in shirkado ciidamo wataa yimaadaan ayna yiraahdaan anaga ayaa aagaan ilaashanayna qof aanaan u ogolayna masoo galikaro maadaaba amaanka aan gacanta ku hayno sidaasna hadba cad balaq ah naloo tuuro oo aanaan wajihin faa iidada kasoo burqanaysa dhulkeena hoostiisa isla markaana aan wajahno kiliya dhibaatada bey’adeed ee uu leeyahay

1.3 Khilaaf iyo dagaal sokeeye: Kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira oo aan hada damaciisa ku degdagnaa wuxuu soo dadajinkaraa khilaafkeena maadaaba uusan jirin sharciga qeybsiga kheyraadkeena waxaana wanaagsan inta aanaan raadin kheyraadkaas lawada leeyahay in aan marka hore sharci ka samaysano kadibna aan ku heshiino sharcigaas.

1.4 Dhibaateynta bey’ada: kheyraadka dhulka hoostiisa ku jiro wuxuu halis ku yahay sida khuburadu noosheegaan deegaanka kuxeeran haddii ay tahay barri iyo haddii ay tahay badba wuxuu halis galinayaa dhul beereed badan, dhuldaaqsimeed badan, amaba kaluun badan ayuu halis galinayaa, wuxuuna u baahan yahay in si gundheer looga fikiro saamaynta guracan ee uu nagu yeelanayo, isla markaana aan fiirino halkee loogaga haboon yahay in shidaal laga soo saaro. Tusaale kawaran haddii la yiraahdo ceel weyn oo shidaal oo aad ku faqri baxdaan ayaa AFGOOYE laga helay miyaan ku ordaynaa MAYA waa in aa niraahnaa AFGOOYE hadaaba ceel nooga qodan yahay.

2.0 Qeybta labadaad ee aan ku sheegnay in ay leedahay saamaynta togan:

2.1 In aan hor marino beeraheena ama xoolaheena aana kasoo saarno baahideena iyo cuno dibada loo iibgeeyo waxey ka fududahay dalkeena in laga soo saaro shidaal oo dibada loo iibgeeyo, Energy ga uu u baahan yahay shidaal si loosoo saaro rubuc ka mid ah haddii beeraheena lagaliyo waan baahi beelaynaa asaageena waan tiigsanaynaa waliba dhaafaynaa.

2.2 amaanka: Beeruhu waa kheyraad lagu hormarin karo waxa la yiraahdo gaaryeelid ama privatesation waxaana jiro habab badan oo looga gun gaaro in ay noqdaan kheyraad daboola baahida dalka ayagoo u shaqeynaayo hab hanti gaar looleeyahay taana waxey yarayn kartaa tamartii ku bixi lahayd security ga waayo Somalia hada aadbuu uga sii yaraanayaa hujuunka ama dagaalka shaqsiga ahi, ayadoo aan waliba meesha laga saaraynin qorshaha amaan ee hormarina dhaqaalaha.

2.3 Khilaaf ma imaankaro: Dalka hada waxaa lagu sheegaa federal mana jiro sabab hormarinta beeraheenu ay khilaaf goboleed u abuuri karto waayo waa ninwalbow beertaada tacbo oo yaan lagaa tagin iyo dowlada oo dhabarka hormarin kala istaagta.

2.4 Badqabka deegaanka: Hormarinta beerahu, fiishku ama xoolaha nooli kuma reebaan bey’ada saamayn guracan marka laga reebo geedo yaryar oo laga maarmo amaba dhul yaroo gaar ah loo yeeli karo.

Miraha kasoo baxa hormarinta beeraheena, xoolaheena nool, fiishka amaba ilaha dhaqaale ee kasoo hara kheyraadka dhulka hoostiisa 100% awood waxaan uleenahay in aan gurano lakin haddi aan niraahno maanta shidaalbaan kuduulaynaa soo saaristiis waxa aan ka helnaa waa soor aan gaajo naga goyn waxaana isku darsanaynaa gaajo iyo shidaalkii oo lala baxo iyo dhibaatadii deegaan ee uu lahaa oo aan wajahno.

Sidaa daraadeed mawaxaan imika hormarinaa kheyraadkeena midka aan awooda uleenahay100% in aan guranayno faa iidada kasoo baxda mise waxaan hormarinaa oo hada ku dhaqaaqnaa midka 50% aan naloo ogolayn kaba sii daranoo waxa lasoo saarayo aanaan aqoon iyo waxa la qaatay?

Ma waxaan hormarinaa kheyraadkeena nagu filan ee wax saamayn dhibaato ah aan nagu lahayn mise midka saamaynta dhaqaale ee kale nagu leh haday rabto ha ahaato afgoye ceel shidaal halaga qodo oo hala waayo waxa beero afgoye uu caanka ku yahay e si aan shidaal u helno e amaba meel kaloo lamid ahe?

Mawaxaan hormarin u raadsanaa oo energy ku bixinaa kheyraadkeena kiisa aan hormarinaynin khilaafkeena iyo dagaal sokeeye oo nagu soo laabta mise midka hada iyo kow curinaaya khilaaf iyo isjiijiid markale dhexdeena yimaada?

Ogow NAGERIA shidaalbey soo saartaa gaajana kaa badan iyo qaxooti. Somaliyooooow intaadan falin kafiirso.

Qalinkii: XASAN CABDI FARAX (Sujuud)

Aragtidaada ka dhiibo