Dhoobo Daareed oo lagala laabtay xasaanadii xildhibaanimo ee baarlamaanka puntland

Wararka Maanta

Baarlamaanka Puntland ayaa fadhi uu maanta ku yeeshay magaalada Garowe waxaa uu xasaanaddii Xildhibaannimo ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed.

Mooshin laga keenay C/xakiin Dhoobo Daareed oo ahaa xasaanad ka qaadid kursiga Xildhibaannimo ayaa waxaa saxiixay illaa 38 xildhibaan, waxaana lagu soo eedeeyay inuu ku xadgudubay dastuurka Puntland iyo xuduudaheeda.

Fadhiga Baarlamaanka oo ay soo xaadireen illaa 40 Xildhibaan ayaa waxaa u codeysay in xasaanada laga qaado illaa 39 Xildhibaan, waxaana sidaas uu ku weyn doonaan Xildhibaannimadiisa, oo wixii hada ka dambeeya laga doonayo beesha uu ka soo jeedo inay soo buuxiso kursigaas.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed oo bishii hore xilka laga qaaday ayaa dhowaan safaro ku tagay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, halkaasoo uu kula kulmay oday dhaqameedyada iyo bulshada deegaanada, isagoo khudbado uu ka jeediyay ku duray nidaamka ay u dhisan tahay Puntland iyo in dadka reer Sool iyo Sanaag ka tashanayaan ka sii mid ahaanshaha Maamulka Puntland.