Madaxweyne Xaaf oo ka qeybgalaya Shirka Madasha Qaran

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Galmudug Waxaa la filayaa in beri uu magaalada Muqdisho u safro Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Mr. Ducaale ayaa ka qeybgali doona shirka Madasha Hoggaanka Qaran ee beri ka furmaya caasimadda dalka, Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona wasiiro iyo xildhibaano. Arintan ayaa timid kadib markii Madaxweyne Farmaajo balanqaaday inuu xalin doono khilaafka Madaxda Galmudug.

Dhanka kale ila xog-ogaal ayaa inoo xaqiijiyey in 29 Bishan la filayo in Magaalada Muqdisho u safraan Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal, kadib markuu u yeeray Madaxweynaha Soomaaaliya.

Khilaafka Madaxda Galmudug ayaa la filayaa in lagu soo afjaro magaalada Muqdisho, iyadoo dowladda Federaalku cadaadis kala kulantay Madaxda Dowlad goboleedyada iyo beesha Caalamka.

Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com