Xidigaha Xulka Brazil Ee Ka Ciyaara Premier League Oo Dib Ugu Soo Laabtay England

Ciyaaraha

Chelsea, Liverpool iyo Manchester City ayaa si wadajir ah xiddigahooda qadka dhexe ee reer South America  dib ugu soo laabanayaan England si ay u helaan waqti badan oo ay ku diyaar garoobaan kulamada isbuucaan ee Premier League.

Diyaarad gaar ah ayaa soo wada qaaday  Willian, Roberto Firmino, Philippe Coutinho, Gabriel Jesus, Fernandinho iyo Ederson si ay dib ugu soo laabtaan kooxahooda.

Lixda nin ayaa ka mid ahaa xulka Brazil ee barbaraha 1-1 ku wajahay Colombia ciyaar ka dhacday Barranquilla habeenkii talaadada, iyadoo Selecao ay hore u xaqiijisay booska Koobka Adduunka ee xagaaga soo aadan.

Weeraryahanka Chelsea Willian ayaa goolasha u furay qeybtii hore ee ciyaarta Estadio Metropolitano, Radamel Falcao ayaa soo barbareeyay.

Fernandinho ayaa sawirka soo dhigay bogiisa rasmiga ah ee Instagram subaxnimadii hore ee saaka, taasoo muujineysa in dhamaan lixda ciyaartoy ee diyaarada dib ugu soo celisay England.

Liverpool iyo Man City ayaa is wajihi doona Sabtida, halka Chelsea ay maalinta Isniinta la ciyaari doonto Leicester City.

W/Q Hafsa haji