Duqa Belawayne” Doorashada Jowhar xalaal ma noqon doonto!

Wararka Maanta

Waxaa soo baxaaya digniino laga muujinaayo doorasho ka dhacda magaalada Jowhar xili Hogaamiyihii maamulka ee xilka laga tuuray uu ku sugan yahay magaalada beledweyne.

Duqa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Cabdi dhuux Cali Mahad Alle oo ka hadlaayay doorashada la filaayo inay ka dhacdo magaalada Jowhar ayaa sheegay in doorashadaasi ay tahay mid xaaran ah.

Duqa magaalada ayaa ka digay in magaalada Jowhar lagu doorto Madaxweynaha hoggaamin doona maamulka Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle uu yahay Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mahad Alle, waxa uu cadeeyay in maamulka Hiiraan uusan taageersaneyn doorashada lagu diyaarinaayo magaalada Jowhar, waxa uuna ku baaqay in laga fiirsado qabsoomida doorashadaasi.

Waxa uu carab dhabay inay taageersan yihiin Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, maadaama si sharci daro ah looga qaaday xilka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Mahad Alle, ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Magaalada Jowhar in ay tahay Sharci daro isla markaana la doonaayo in lagu dhiso maamul sharci daro ah.

Dhinaca kale, waxa uu ku baaqay in shuruud la’aan lagu tixgaliyo dalabka ay usoo jeedinayaan maamulka Jowhar oo uu sheegay inuu yahay mid xilka loogu deynaayo Cosoble.