Al-Bashiir oo Iscasilaad loogu baaqay

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn Mucaaradka ee dalka Suudaan, Saadaq Al-mahdi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Al-bashiir inuu xilka ka dego, iyo inuu  Mucaaradka la soofariisto, si heshiis looga gaaro Faahfaahinta Xilliga Kal-guurka ee lagu soo gebagebeynayo Xiisadaha ka taagan Suudaan.

Saadaq Al-mahdi waxa kale oo uu ku baaqay in la qaado Xukunka Degdegga, Alana sii daayo dhamaan Siyaasiyiinta xiran.

Baaqan ayaa yimid, kaadib, toddobaadyo ay Dibadbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Albashiir ka socdaan dalkaasi, iyadoo uu Madaxweynuhu Xukun Degdeg ah  ku soo rogay dalkaasi.