Kummanaan qof ayaa iskugu soo baxay waddooyin magaalada London ee dalka UK iyaga oo ka cabanaya in UK ay ka baxdo midowga Yurub.
Dadkan ayaa waxay iskugu soo baxeen barxadda golaha baarlamaanka UK Â iyaga oo cabirayey sida ay u diidanyihiin in laga baxo midowga Yurub.
Dibad-baxyaasha ayaa waxay ku labisnaayeen dharka calanka midowga Yurub waxayna sidoo kale ay wateen boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku muujinayaan inay diidanyihiin ka bixidda midowga.
Dowladda UK ayaa horey u saxiixday inay ka baxeyso midowga Yurub balse ka bixitaanka ayaa waxaa uu qaadanayaa muddo labo sano ah