Deg Deg Ganacsade lagu dilay Godinlabe+Magaca.

Wararka Maanta

Kooxo jid gooyo u taalo duleedka Koofureed ee Degmada Godinlabe Gobolka Galgaduud ayaa goor rasaaseyay midka mida kamida Ganacsatada ugu caansan magaaladaasi qaar kamida dadka deegaanka oo la hadaly Shabakada Ceelhuuur Online ayaa Magaca Ganacsadahaas  ku soo gaabiyay Kito Dhuub waxayna sheegeen in dhawac Culus uu kasoo garaay Rasaas ay qaybaha danbe ee jirkiisa uga dhifteen Kooxda Isbaaradu utaal Godinlabe waxaana dhawaciisa oo ah mid liita loo qaaday Isbitaalka Cadaado si loola tacaalo.

Dhaawaca Ganasadahaan ayaa yimid xili uu doonayay inuu isbaarada kasoo gudubsado gaari qaad u siday oo ay ceshadeen Kooxdaasi mana jirin wax gacan ka hadal ah oo dhex maray marka laga  reebo Rasaasta ay kaga dhufteen dhabarka danbe  lamana oga sababta keentay inay Rasaas huwiyaan ruux an waxba ka galabsan.

Goobjooga yaasha ayaa ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad  kacsnan laga dareemayo nawaaxiga duleedka Koofureed ee Godinlabe oo jid gooyadu taaalo waloow uu degan yahay jawiga kale magaaladu.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xili ay har iyo habeen taagan yihiin dhibaatooyinka ay Shacabka iyo Gadiidku kala kulmaan Isbaarada taala Duleedka Degma Godinlabe ee Gobolka Galgaduud iyo kuwo kale oo yaala degaanada Galmudug mana muuqdaan dadaalo ay wadaaan Madaxda sare ee Galmudug oo wax looga qabanayo arimahaas

Kala soco wixii ku soo kordha halkaan insha allaah