Safiirka Mareeykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo ka hadlay Amniga Soo hagaagaya ee Soomaaliya. iyo Arimo kale

Wararka Maanta

Safiirka Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Stephen M.Schwart oo waraysi lala yeeshay asagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee Dalka Kenya islamarkaana Ceelhuur-online ay heshay waraysigaa ayaa ugu horayn ka hadlay xaaladda amni Soomaaliya waxa uuna qaba inay soo hagaagayso garahaan Muqdisho waxa uuna yiri

Nidaamka cusub ee amniga ee dalka Soomaaliya waxaan u arkaa tilaabo hor loo qaaday garahaan Muqdisho, hogaaminta dowlada dhexe iyo weliba dowlad  goboleedyada , miiska ayeeyna isugu imaadeen si ay u dejiyaan qorshe ciidan qaran oona isku dhafan isla markaana dabooli kara baahida guud ahaaneed ee dalka iyo weliba maamul goboleedyada wadajir ayeyna dalka soomaaliya wax looga qaban karaa inagoona la garab taagan caawinta aan caawino waxaa ay yagleeli karaan ciidan quwad leh dalkana xasilini kara.

Safiirka oo ka had layay doorka Maraykanka ee la dagaalanka Kooxaha Islaamiga ee ka dagaalama Somaaliya iyo Bariga Africa ayaa yiri

-Dadaal xoogan ayaan ugu jirnaa sidii aan u xakameyn laheyn falalka Guracan ee Xagjiriinta ay ka wadaan Sooomaaliya iyo weliba Bariga Africa, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u dhisi laheyn ciidan awood leh isla markaana aan u qalabeyn laheyn, Si ay u difaacan dadka Soomaaliya iyo dalkoodaba taa oo ah waajibka saaran ciidanka qaranka ee dowlada Soomaaliya, dhanka kalana ay garab istaagaan ciidamada AMISOM oo mudo taban sano ah dalka Soomaaliya u jooga sidii ay u xasilini lahaayeen dalka.

Dhankale  asagoo ka hadlayay doorka Ciidamada Maraykanka ee jooga Soomaaliya wax uu yiri

Waxaan kuu xaqiijinayaa, Mareekanka ciidan kama joogo dalka Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in hadalkaaga uu daba socdo go’aamo u madaxweyne Trump soo saarey kuna amray ciidamada dalka Mareekanka in ay weeraro cirka ah ku qaadaan Alshabaab, tana waa qeeb kamid ah garab istaagida ciidanka xooga dalka soomaaliya iyo AMISOM. sharciga ahaan ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ma ahan kuwa dagaal iyo hawlgal u jooga, waxa ay dalka u joogaan keliya waa in ay tababaro u fidiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ugu danbayntii mar waxa laga wadiyay   go’aani uu soo saaray Madaxawaynaha Mareeykanka oo lagu joojinayo soo galootiga muhaajiriinta lix wadan oo muslimiin ah oo ay kamid tahay dalka Soomaaliya wax uu yiri

Waxaan si xooggan ugala shaqeyneynaa Dowlada Soomaaliya arrimaha muhaajiriinta iyo sida ay dawlada Soomaaliya ula shaqeyn laheyd in dowlada Mareeykanka ku xaqiijin karto warqadaha socdaalka, si loo hubiyo diiwaangelinta warqadaha shaqsiga uu wato taasna wadanka Mareeykanka waxaa ay siineysaa in ay ku qanacdo warqadaha ay muwaadiniinta Soomaaliya wataan arintaasna waan ku guda jirnaa

Wada hadal ayaa inoo socda laaliin go’aanka madaxweynaha uu ka soo saaray dadka soo galootiga ah wali ma uusan dhaqangalin oo waxa ahor istaagay maxkamadaha dalkaasi. Walina dadka Soomaalida waa tagaan Maraykanka haddii ay ahaan lahaayeen kuwa fiisooyin wata iyo kuwa an wadan intaba

#Wariysiga

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir