Sawirro: Dhismaha iskoolka Degmada Hobyo oo la dhameystiray

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Waxaa soo gabagaboobay dhismaha dugsiga waxbarashada degmada Hobyo, dugsigaan oo muddooyinkan dhismihiisu socday ayaa waxaa bixiyey dhaqaalaha lagu dhisay Hay’adda CISP ee dalka Talyaaniga.

Dugsigaan ayaa ku fadhiya dhul gaaraya 100×100 mitir, waxaana ka dhisan 8 fasal, xafiisyo, musqulo iyo gidaar weyn. Waxaana la filayaa in goordhow xarigga laga jaro.

Hobyo ayaa kasoo kabanaysa diiftii colaadda sokeeye, waxaana bilihii ugu dambeeyey laga hirgaliyey mashaariic dhismo oo ay ka mid yihiin:

1. Dhismaha dhabbaha diyaaraduhu ka duulaan ee garoonka diyaaradaha Hobyo.

2. Dhismaha xarunta cusub degmada Hobyo.

3. Dhismaha dugsiga degmada Hobyo.

4. Dayactirka dugsigii hore ee degmada. Iyo mashaariic kale.

Noloasha ayaa soo hagaagaysa, waxaana muuqata in magaalada Xeebeedka Hobyo qaaday tubtii horumarka.

Sii faafi oo la wadaag saaxiibadaa.

received_1473978862686862 received_1473978832686865 received_1473979599353455 received_1473979562686792 received_1473979712686777 received_1473979636020118 received_1473979782686770 received_1473979742686774 received_1473979849353430 received_1473979816020100 received_1473980002686748 received_1473979636020118 received_1473980149353400