Sheikh Maxamed Shaakir Madaxweynaha Gobalada dhexe oo magaalada Nairobi kula hadlay warbaahinta ka hor inta uusan u dhoofin Dalka Jabuuti ayaa shegay in magaalada Nairoobi uu ku soo gaaray ka qeyb galka wada hadalada Galmudug iyo Maamulka Gobalada Dhexe
‘’Waxa halkan u imid sidaad la wada socotaan dedaalada xalka loogu raadinayo khilaafka hareyay Gobalada dhexe ee soomaaliya waxana magaaladan Nairobi ka dhacay kulama hordhac ah kuwa kalane waxey ka dhici donaan Dalka Jabuuti’ Sidaasi waxa yiri Sheikh Shaakir,
Madaxweynaha Gobalada Dhexe Sheikh Maxamed Shaakir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalada waxana uu shegay iney jiraan shaqsiyaad cadow ku ah arintaasi in xal laga gaaro balse hadii dadka cadowga ah meel looga soo wada jeesto la gaari karo in la midoobo.