Dagaal ka dhacay Gobolka Sh Hoose

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray Al-shabaab iyo AMISO, waxaana dagaalka la sheegay in uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Goob-weyn iyo Buulo-Mareer.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaas aan la ogeyn khasaaraha uu u geystay dhinacyada dagaalamay hase yeeshee labo qof oo shacabka ah ay ku dhinteen halka tiro kale dhaawacyo soo gaareen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dagaalkaas ku gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM inkastoo uusan jirin cid madax banaan oo warkaas xaqiijinayso.