3 Arimood oo sababay inuu is casilo Shariif Xasan

Wararka Maanta

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii Maamulka Koofur Galbeed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynanimada Koofur Galbeed, sidoo kale waxa uu ka tanaasulay musharaxnimadiisa Hoggaanka Deegaankaas. isagoo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed ku wareejiyey gudoomiyaha Barlamaanka Maamulkaas Cabdulqaadir Sheekhuna Maye.

iscasilaad ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, oo maanta gaaray Baydhabo, Cabdi ayaa marqaati ka ahaa fulinta heshiiska hoose oo ay galeen dowladda dhexe iyo shariif Xasan.

Shariif Xasan oo ah ruug caddaa siyaasadda Soomaaliya ayaa cadaadis badan kala kulmay dhinacyo badan, inkastoo shariifka lagu yaqaan nin ka dabaasha duufaanada siyaasadeed, hadaba maxaa keenay inuu is casilo shariif Xasan?.

  1. Waxaa socday maalmahaan heshiis hoose, heshiiskaas ayaa dowladda dhexe dhaqaale gaaraya 4 Milyan dollar ku siisay shariifka iyo mudnaan siyaasadeed, inkastoo isagu ku gorgortamayey in 6 Milyan dollar la siiyo.
  2. Sidoo kale Dowladda ayaa shariif u adeegsatay dowladda itoobiya oo ah saaxiib uu ku tiirsanaa shariif Xasan. ciidamada itoobiya oo farabadan ayaa saacadihii la soo dhaafay soo galay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan maamulka Koofur Galbeed. sidoo kale dowladda itoobiya ayaa ku wargelisay shariif Xasan in aysan sugi doonin ammaankiisa.
  3. Shariifka oo lagala wareegay inta badan xildhibaanada Koofur Galbeed, kadib markii lacag lagu harqiyey.

Iscasilaadda Shariifka ayaa ah Gool ku laad la wada sugayey, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ku guuleystay ciyaartan. sidoo kale waxaa goordhow is casilay afhayeenkii Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Dhanka kale khilaaf Madaxda Galmudug ayaa suurtagal tahay in xal loo helo, madaama Gudoomiyihii Golaha iskaashiga majaha loo xaabiyey. Madaxda Maamul goboleedyada ee ku mideysan Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa u muuqda ku gabal u dumay.