Dhuusamareeb:baadi goob loogu jiro nin walaalkiis dilay

Wararka Maanta

Ciidamada amniga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa xaafadaha magaalada ka wada howlgal lagu raadinayo ninkii ka dambeeyay dilka nin ay walaalo ahaayen oo  baxsaday.

Xalay ayaa la sheegay in lagu diley xaafada Waaberi oo ka mid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Dhuusamareeb nin dhalinyaro ah kaasoo dilkiisa uu ka dambeeyay nin ay walaalo ahaayeen.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafada Waaberi ee magaalada Dhuusamareeb ayaa saxaafada u sheegay in labada nine e walaalaha ah uu khilaaf soo kala dhex galay kadibna la diley mid kamid ah labada walaalaha ah. Hase yeeshee illaa hadda lama cadeyn waxyaabaha dhaliyay khilaafka sababay dilka.

Badanaa waxaa qoysaska Soomaaliyeed ay isku khilaafaan arrimo la xiriira dhaxalka taasoo sababta gacan ka hadal dhex  mara xubno isku qoys  ah.