Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeele oo u jawaabay Cali Cosoble

Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeele Sh Cismaan Bare Maxamed ayaa sheegay in ay qaban doonaan doorasho lagu kalsoonaan karo xilli uu shalay magacaabay guddiga doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeele.

14 bishan ayaa baarlamaanka maamulkaas waxaa ay xilkii ka qaadeen madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaanka doorashada loo qabanayo uu waajib ka saran yahay guddiga doorashada.

Sida uu baarlamaanka maamulkaas horey u go’aamiyay xilka madaxtinimada maamulka Hirshabeele ayaa waxaa ku tartamaya oo kali ah qof ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeele Sheekh Cismaan Bare Maxamed ayaa sidoo kale, sheegay in madaxweyihii maamulkaas Cosoble uu kamid yahay siyaasiyiinta Hirshabeele meesha uu doonan tagi karo hase ahaatee uusan jirin xil gaar ah oo uu hadda hayo.

Madaxweynihii maamulkaas mudane Cosoble ayaa shalay tagay magaalada Beledweyne isagoo halkaas ka sheegay in uu wali yahay madaxweynaha Hirshabeele isla markaana uu ku shaqaynayo Magaalada Belad-wayne