Daawo: Dhismaha cusub Jaamacadda Galgaduud oo xarigga laga jaray

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Dhismaha cusub ee jaamacadda Galgaduud ee magaalada Cabudwaaq ayaa xarigga laga jaray, dhismaha jaamacadan ayaa waxaa iska kaashaday dadka deegaanka iyo hay’adda SSF, wuxuuna ka mid ahaa 4 mashruuc oo lagu hormarinayey deegaanada Galmudug oo kala ahaa :

  1. Balaarinta dhismaha isbitaalka Cadaado
  2. Dhismaha Jaamacadda Galgaduud ee magaalada Cabudwaaq.
  3. Dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Hobyo.
  4. Dhismaha isbitaalka guud ee degmada Balanbale.

Mushruucyadan ayaa sidoo kale waxaa ku lamaanaa mashruucyo kale oo kala ahaa

  1. Dhismaha xarunta cusub degmada Hobyo.
  2. Dhismaha wadooyin jaay ah degmada Cadaado.
  3. Dhismaha wadooyin jaay ah degmada Cabudwaaq
  4. Dhismaha wadooyin jaay ah degmada Balanbale.

Mashruucayadan oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo Hay’adda SSF ayaa waxaa ku baxay dhaqaale gaaraya 1.6 Milyan dollarka Maraykanka, waxayna ka mid ahaayeen barnaamijka horumarinta deegaanada Galmudug.

Wasiiru dowlada Wasaarada Waxbarashada Tacliinta iyo hidaha sare Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdule ayaa Xariga ka jaray Xarunta Jaamacada Galgaduud University ee Magaalada Caabudwaaq

Wariye: C/risaaq Cali Deelle

Cabudwaaq