GalMudug:waa Galgaduud Iyo Mudug, magac ahaan. Laakin hadda waxay ka jirtaa magaalooyin kooban (CADAADO, CABUD WAAQ, BALANBALLE, HOBYO, IYO KOOFURTA GALKACYO. ), Inta kale waxaa gacanta ku haya kooxda Suffa, Alshabaab, iyo muran dhuleed ka dhaxeeya Puntland iyo Galmudug.
Markii uu madaxweyne Cabdikariin Xussen Guleed, soo dhisay xukuumaddii ugu horeysay ee GalMudug yeelato. Qaladaadkii muuqday waxaa ka mid ahaa :
1- Tiradda xukuumadda oo badneyd, mana jirin il dhaqaalle(Dakad, Garoon diyaarad ) oo Galmudug leedahay.
2- waxaa jiray xubno magaca Ahlu sunno wax ku helay oo runtii aan miisaan badan ku laheyn xoogagga Dhuusamareeb jooga.
3- Wasaaradaha qaar oo aan loo dhiibin Xirfadlayaal ku Haboon shaqadda loo igmaday.
4- ma jirin qorshe xafiisyo loogu diyaariyey wasaaradaha faraha badnaa ee la magacaabay.
5- Wasiiro badan looma madaxbaneen shaqada loo igmadey. Waxaa jiray xubno si gaar ah loo awood siiyey kana awood badnaa wasiirada, lakiin waxba lagma faa-iidin.
Sidoo kale Madaxweyne Cabdikariin Xussen Guleed, Ayaa inta badan safar uga maqnaa GalMudug. waxaan isku dayayaa inaan xuso Wasaaradihii Dadaalay:
* Wasaaradda Qorsheynta
* Wasaaradda Maaliyadda
* Wasaaradda Dastuurka iyo dib u heshiisiinta
* Wasaaradda Arimaha Gudaha
* Wasaaradda Waxbarashada
* Wasaaradda Gadiidka
* Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul insaanka ….. Iyo qaar kaloo aana xasuusan.
Lakiin kuwo badan oo aana xusin, magac ahaan ayay u jiraan, Lakin wax shaqo ah ma qaban, sababtana waxaan ku qiyaasi karaa, Duruufaha dhaqaalle iyo shaqsiyaad lagu gacansiiyey iney wasiirada ka awood bataan.
Wax halaga barto wixii lasoo maray!
Lasoco qeybta labaad
Mohamed Kasim Turaabi